Wararkii ugu danbeeyay xaalada Xildhibaan Qarax lagu dhaawacay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayaQarax ka dhashay Miino gaarigiisa loogu rakibay Xilldhibaan Maxamed Mursal Borrow, oo kamid ah xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa sababay inuu dhaawac culus uu kasoo gaaro Xildhibaan Borrow, halka uu ku dhintay ruux kale, kaasoo ahaa Darawalkiisa, sida laga soo xigtay Dad goobjoog u ahaa dhacdada, oo xalay fiidkii ka dhacday afaafka Tiyaatarka qaranka.

Xildhibaanka gaariga qaraxa loogu xiray oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ugu dhow Xafiiska Xasan Cali Khayre ayaa la dhigay Isbitaal Digfeer ee Muqdisho, halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isbitaalka ku booqday Xildhibaan Boorow.

"Waxa aan Alle uga baryayaa xildhibaan Maxamed Mursal Booroow in uu caafimaad degdeg ah siiyo," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay Bogga Twitter-ka ee Ra'iisul Wasaare Khayre.

Kooxda gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda qaraxa lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Xildhibaanka.

Weerarka lagu dhaawacay Xildhibaan Borrow ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Madaxwaynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Xildhibaanada uga digay amaanka Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Federaalka aysan 100% gacanta ku heynin amniga magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM