Warbixin Sirdoon oo Turki ah oo ka digtay Xaaladda ka jirta Soomaaliya

Image

ANKARA — Warbixin cusub oo ay diyaarisay Akaadamiyadda Sirdoonka Turkiga, laguna magacaabay “Qaabka Iskaashi ee Dhawr-geesoodka ah,” ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahdo “nuglaansho aan hore loo arag,” iyadoo sababaha ugu waaweyn lagu sheegay khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab, kala-qaybsanaanta siyaasadeed, daciifnimada hay’adaha dowladda, cadaadiska dibadda iyo culayska dhaqaale.

Warbixinta, oo dib u eegis ku sameysay xiriirka laba geesoodka ah ee Ankara iyo Muqdisho, waxay sheegtay in inkastoo uu jiro horumar muuqda, haddana deegaanka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya uu ku jiro marxalad ay khubarradu ku tilmaameen “khataro adag” oo kaalin weyn ka yeelan doona jihada mustaqbalka dalka iyo xiriirka labada dowladood.

Al-Shabaab iyo ISIS oo weli khatar weyn ku ah xasilloonida

Warbixintu waxay Al-Shabaab ku tilmaantay caqabadda ugu weyn ee xasilloonida dalka, iyadoo xustay in kooxda ay weli gacanta ku hayso degaanno baadiye ah. Inkastoo weerarro wadajir ah ay xoogeysteen 2022-kii, haddana Soomaaliya aysan awoodin inay sii wado hawlgalladaas sanadihii xigay.

Sidoo kale, farac yar oo ISIS ah oo ka hawlgala Puntland ayaa lagu tilmaamay khatar kale oo dheeri ah, inkastoo saameyntiisu kooban tahay. Qiimeynta ayaa ku adkaysay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan weli awoodin amniga dalka la’aanteed taageero shisheeye.

Kalsooni la’aanta siyaasadeed iyo dastuur dhammeystir la’aan

Warbixintu waxay sheegtay in kala fogaanshaha siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu caqabad ku yahay dib u dhiska dalka, iyadoo si gaar ah u xustay khilaafaadka Puntland iyo Jubaland ee ku saabsan doorashooyinka iyo maareynta dakhliga.

Arrimahan, ayay warbixintu tiri, waxay dib u dhigaan go’aannada qaran waxayna saameyn ku yeeshaan mashaariicda Turkiga oo ku tiirsan isku-duwidda dowladaha dhexe iyo kuwa gobollada.

Hay’adaha daciifka ah iyo ku-tiirsanaanta deeqaha

Sirdoonku wuxuu tilmaamay in hay’adaha dowladda ay ka jiraan daciifnimo, maamul-xumo iyo nidaamyo kormeer oo aan dhammaystirnayn, taas oo sababtay in dalka uu ku tiirsanaado deeq bixiyeyaasha.

Inkastoo IMF iyo Bangiga Aduunka ay deyn cafis horseedeen, haddana warbixintu waxay tiri Soomaaliya weli ma haysato madax-bannaani maaliyadeed oo u saamaxda xasillooni joogto ah. Dib u dhaca iibsiga iyo hirgelinta mashaariicda ayaa lagu sheegay caqabad weyn.

Cimilada, dagaalka xogta iyo cadaadiska juqraafiga

Warbixintu waxay sidoo kale ka digtay in isbeddellada cimilada ay sababi karaan barakac baahsan oo culays hor leh saaraya dowladda, halka dagaalka macluumaadka iyo cadaadisyada juqraafi-siyaasadeed ay kordhinayaan khataraha amni.

Inkasta oo horumar jiro, khataruhu way ka culus yihiin

Qiimeynta sirdoonka ayaa xustay horumarada ka jira Muqdisho — oo ay ka mid yihiin kaabayaal dhaqaale, iskaashi amni oo awood u yeeli kara ciidamada Soomaaliyeed 2030-ka, iyo fursadaha cusub ee xubinnimada EAC — balse waxay sheegtay in dhammaan guulahaas ay u nugul yihiin shanta arrimood ee halista weyn leh.

Doorka sii kordhaya ee Turkiga

Turkiga ayaa tan iyo booqashadii Madaxweyne Erdogan ee Mogadishu 2011, si joogto ah u ballaariyay saameyntiisa siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay xustay in:

Xerada TURKSOM ay tahay saldhigga tababarka milatari ee ugu weyn Turkiga dibaddiisa, halkaas oo in ka badan 15,000 askari lagu tababaray.

Shirkadaha Turkiga ay maamulaan garoonka Aden Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Turkigu bixiyay ka badan $1 bilyan oo gargaar iyo maalgelin ah.

Si kastaba, warbaahinta Turkiga ayaa baahisay eedeymo sheegaya in qayb ka mid ah caawimadaasi ay gaarto shirkado u dhow Madaxweyne Erdogan, taas oo keentay dhaleecayn siyaasadeed.

Doodaha caalamiga ah

UN-ka ayaa 2022 sheegay in Turkiga uu Soomaaliya siiyay diyaarado aan duuliye lahayn oo aan oggolaansho heysan, arrin suuraga gal ka dhigaysa ku xad-gudubka cunaqabateynta.

Dokumentiga heshiiska shidaalka ee ay daabacday Nordic Monitor bishii April 2025 ayaa muujiyay in Turkiga uu helay “mudnaan ballaaran” oo ku saabsan hawlaha shidaal baarista iyo difaaca.

Warbixintan ayaa muujinaysa in inkastoo Turkiga iyo Soomaaliya ay yeesheen iskaashi xooggan, haddana mustaqbalka dalka uu si weyn ugu xirnaan doono sida loo maareeyo khataraha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo deegaan ee sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland xiriir toos ah oo joogto ah ayaa ka dhaxeeya

Cali Balcad ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

  • Soomaliya

    07-12-2025

  • 07:05AM

Maxamed Cabiib oo ku eedeeyay Ciidamada Somaliland inay Dad Shacab ah Rasaas Ku Fureen Borama

Madaxweynaha ayaa amray in dhammaan ciidamada qaranka ee magaalada ku sugan ay isla markiiba ku laabtaan saldhigyada.

  • Soomaliya

    06-12-2025

  • 01:39PM