Warbixin: Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo Sii Xoogeysanaya, Halista Amniga Geeska Afrika 

Image

Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay bishii Febraayo 2025 in xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Xuutiyiinta Yemen uu hadda noqday mid sii qoto dheeraya, isla markaana khatar weyn ku haya amniga Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.

Warbixinta ayaa sheegtay in hub iyo walxaha qarxa si joogto ah looga soo gudbiyo Yemen looguna daabulayo dekedaha Marka iyo Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab. Hubkan ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa weerarro lagu qaaday saldhigyada ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS bishii Sebtember iyo Nofeembar 2024.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu eedeeyay kooxda Xuutiyiinta — oo taageero ka hesha Iran — inay door weyn ka ciyaareen fidinta hubka dalka, taas oo sababtay kor u kaca weerarada Al-Shabaab. Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa wajahaya dagaallo culus oo ay la gelayaan Al-Shabaab, kuwaas oo guulo iyo dib-u-dhacba lahaa.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale tilmaantay in xiriirka ka dhexeeya Al-Qaacida laanteeda Yemen (AQAP) iyo Xuutiyiinta uu noqday mid iskaashi ah tan iyo 2022. Labada kooxood ayaa isku xiran dhanka ganacsiga hubka iyo weerarada ka dhanka ah dowladda Yemen. Iskaashigan ayaa horseeday xiriirka cusub ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Sida lagu sheegay warbixin ay Machadka Carnegie Middle East soo saareen bishii Maarso, xeebaha furan ee Soomaaliya ayaa muhiim u noqday Xuutiyiinta si ay u helaan agabka ay ka helaan Iran iyo Shiinaha, kuwaas oo ka caawiya horumarinta barnaamijyadooda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Hubka ay Xuutiyiintu siiyaan Al-Shabaab ayaa aad uga casrisan midka ay horey u haysteen, oo ay ku jireen qoryaha fudud, moortaarrada, iyo qaraxyada macmalka ah. Taa beddelkeeda, Al-Shabaab ayaa la wadaagta Xuutiyiinta xogta xeebaha Soomaaliya iyo khibradooda burcad-badeednimada, taasoo sare u qaaday weerarada badda iyo dhaqaalaha labada kooxood.

Machadka Daraasaadka Istiraatiijiyadda Afrika ayaa sidoo kale ku sheegay maqaal bishii May in iskaashiga Al-Shabaab, Xuutiyiinta, iyo AQAP uu siinayo Xuutiyiinta marin cusub oo ay uga gudbi karaan hubka badweynta Hindiya una daabulaan gudaha Yemen.

Xog kale oo muhiim ah ayaa sheegaysa in Xuutiyiintu ay saldhigyo ka samaysteen buuraleyda Golis ee gobolka Sanaag, halkaas oo la sheegay inay ka dhiseen xarumo lagu horumariyo gantaallada. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Xuutiyiintu ay isku dayayaan inay dadweynaha marin habaabiyaan iyagoo isu ekaysiinaya Al-Shabaab si aysan u dhalin kacdoon lagula dagaalamo joogitaankooda.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay si adag uga digtay halista sii kordheysa ee kooxahan ku haya gobolka. Khubaro amni ayaa ugu baaqay dowladaha Bariga Afrika inay si wadajir ah u wajahaan khatartan, iyagoo aan kaliya diiradda saarin sugida biyaha, balse sidoo kale hoos u dhigaya gacan-ku-haynta kooxahani ku leeyihiin dhulka.

“Si dhab ah loogu wiiqo khatarta kooxahan, waxaa loo baahan yahay in la baabi’iyo saldhigyadooda dhulka, kuwaasoo ah meelaha ay ka abaabulaan weerarada badda, ka helaan dhaqaale, isla markaana ku tababartaan awood ciidan oo horumarsan,” ayaa lagu yiri warbixinta Machadka Daraasaadka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo soo gaaray Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ilaahay ha u naxariisto.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 04:33PM

Turkiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Meel uga Dhacay Diblumaasiyadda Soomaaliya

Wasiir Cabdulkadir Maxamed Nuur, oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu yahay qof si gaar ah ula saaxiib ah Turkiga.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 09:31AM