Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Image

Khudbad uu habeenkii Talaadada u jeediyey shacabka Mareykanka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ku hawlan tahay samaynta gantaallo awood u yeelan kara inay soo gaaraan gudaha Mareykanka “waqti dhow.”

Si kastaba, ilo xog-ogaal ah oo la hadlay warbaahinta Mareykanka ayaa tilmaamay in sheegashadaas aysan ku salaysneyn qiimeyn rasmi ah oo sirdoonku soo saaray. Warbixin aan qarsoodi ahayn oo ay diyaarisay Hay’adda Sirdoonka Difaaca ee Mareykanka (DIA) sanadkii 2025 ayaa sheegtay in Iran ay awood u yeelan karto inay samayso gantaal nooca qaaradaha isaga tallaaba (ICBM) marka la gaaro 2035 — taasna “haddii Tehran ay go’aansato inay waddo barnaamijkaas.”

Sida ay ilo sirdoon sheegeen, ma jirto caddeyn muujinaysa in Iran ay hadda si toos ah u horumarinayso gantaal gaari kara Mareykanka. Qiimeynta sirdoonku ma muujinayso isbeddel ku yimid aragtida ku saabsan himilooyinka gantaallada fog ee Iran.

Dhinaca kale, Iran waxay haysataa gantaallo riddadoodu gaaban tahay oo khatar gelin kara saldhigyada iyo ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe — arrin ay maamulka Trump hore uga digay.

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo sheegtay in Iran ay tahay dal si joogto ah ugu dhawaaqa “Ha dhaco Mareykanka,” ayna halis tahay in dalkaas yeesho gantaallo riddadoodu fog tahay.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuusan ku qanacsaneyn wadahadallada socda ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, isagoo xusay in Tehran aysan “bixin waxa Mareykanku u baahan yahay.” Wuxuu tilmaamay inuusan weli go’aan kama dambeys ah ka gaarin tallaabo militari, balse uu jiro wadahadal dheeraad ah.

Mareykanku wuxuu gobolka Bariga Dhexe ku ururiyey qalab milatari oo aad u badan — heer aan la arag tan iyo duullaankii Ciraaq 2003 — iyadoo madaxweynuhu marar badan muujiyey in ikhtiyaarka milatari miiska saaran yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, oo la weydiiyey su’aalo ku saabsan sheegashada gantaallada, ayaa sheegay inuusan faallo ka bixin doonin qiimeynaha sirdoonka, balse uu aaminsan yahay in Iran ay ku socoto waddo ay ku horumarin karto gantaal riddadiisu gaari karto qaaradda Mareykanka mustaqbalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dalkiisu si ula kac ah u xaddiday riddada gantaalladiisa ilaa 2,000 km, isagoo ku dooday in ay yihiin kuwo difaac oo kaliya.

Arrinta nukliyeerka, maamulka Trump ayaa hore u sheegay in weerarro milatari oo sannadkii hore dhacay ay “burburiyeen” barnaamijka nukliyeerka Iran. Hase yeeshee, warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in Iran ay dadaal ku jirto dib-u-dhiska awooddeeda kobcinta uranium-ka, inkastoo khubaro badan ay qabaan in geeddi-socodkaas uu qaadan karo waqti dheer oo ka badan toddobaadyo yar.

Wadahadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ayaa ilaa hadda diiradda saaraya kaliya arrimaha nukliyeerka, halka barnaamijka gantaallada ballistic-ga uusan qeyb ka ahayn miiska wadaxaajoodka — arrin Mareykanku ku tilmaamay “caqabadda ugu weyn.”

Xiisadda sii kordheysa ayaa ka tarjumaysa khilaaf istaraatiiji ah oo u dhexeeya labada dal, iyadoo weli ay taagan tahay su’aasha ah: ma noqon doontaa waddo diblomaasiyadeed mise mid militari?

Related Articles

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM

Masar oo Shuruud Ku Xirtay Marin-badeedka Itoobiya

Masar waxay muddooyinkan xoogga saareysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay deriska…

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:51PM