Warsame: Farmaajo nin is-daba qabanaya maaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo in uusan u tureyn dalka iyo dadka si gaar ah in uusan in xal laga gaaro is-mari-waaga doorashooyinka.

Musharaxa madaxwayne ayaa sidoo kale wuxuu soo bandhigay qaababka dalka uga samata bixi jiray mar-xaladda kala guurka kahor dowladda haatan jirta ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey iyo habka kaliya ee haray.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa rumeysan in haddii Soomaalida xal gaari waydo ay dhabaha u xaari karto faragelin caalami ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo.

Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhago, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah Farmaajo kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana in loo gooyo ayuu rabaa.

Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa.

Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.

Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga gacanta qabta, qarankana u hiilaya waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.


Iyaddoo Farmaajo uu xafiiska joogo ku dhowaad laba bilood iyaddoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey, caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa martigelineysa shirar siyaasadeed oo iska soo horjeeda kuwaas oo natiijooyinka kasoo baxaya ay yihiin kuwa kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM