Warsame: Farmaajo wuxuu u xuubsiibanayaa qabqablanimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu ku sifeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid "u xuubsiibanayaa hoggaamiye kooxeednimo".

Warsame oo kamid ah musharaxiinta madaxtinimadda doorashooyinka 2020-21 ayaa qoraal uu Isniinta maanta ah ku daabacay wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu olole xoogan ugu jiro in uu helo muddo kororsi.

"Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii (Station) muddo kororsiga ee muddaba laga digayey. Afarsano oo kali talisnimo ah ayuu maanta uga xuubsiibanayaa hoggaamiye kooxeednimo," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Kama masiir duwanaan doono dagaal ogaayaashii dalka soo maray, sababtoo ah awoodu hub iyo ciidan maaha, iyagaaba ka ciidan iyo hub badnaa, qaar ka mid ahna gobolo badan ayey ka talinayeen. Awoodu waa sharciyada ku siinaysa aqoonsi gudaha iyo dibada ah".

"Waxaan shacbka ugu bishaaraynayaa in uusan hankiisu hirgeli doonin. Dadka isagaa u tabaryar, sababtoo ah hubanti la’aan ayuu ku noolaan doonaa, kuwa haatan u heesayana midba subax ayuu ka dhaqaaqi doonaa," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa tibaaxay: "Keliya waxaa nalaka doonayaa in aan halista si isku mid ah u aragno, dulmiga iyo dulaysiga wada diidno".

"Taasina waxay ku imaan kartaa in aan abaabulkeena xoojino, tilaabooyinka aan qaadaynana noqdaan kuwo qiyaasan oo aan gaabisna ahayn degdegna ku jirin, si abeesada luqanta nooga duuban isaga bixino," ayuu kusoo xiray.

Hadalka siyaasi Warsame ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah uu wajahayo eedeymo ku saabsan in ay kororsi qorsheynayaan kadib fashilka wadaxaajoodyadda Teendhada Afasiyooni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM