Warsame oo cambaareeyay xirida kiiska Cabdirashiid Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag u cambaareeyay talaabadda lagu soo xiray gal-dacwadeedka ka dhanka ah Cabdirashiid Maxamednuur Janan, wasiirkii ammaanka maamulka Jubaland.

Musharaxa madaxwayne oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa cod dheer wuxuu ku muujiyey sida uu uga xun-yahay go'aankaas kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka.

Warsame oo soo xigtay hadal horey uga soo yeeray Imaam Ibnu Taymiyah ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanadan noocaan ee cadaalad daradda ah ay dhiiragelinayaan burburka iyo qaran-jabka.

"Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday," ayuu Warsame ku daabacay bartiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri "Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato".

"Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab. Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta," ayuu xusay.

Janan oo loo haystay eedeymo isugu jiray dil, xarig sharci darro ah iyo tacadiyo dhanka xuquuqul insaanka ah ayaa dhowaan heshiis la galay maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo, waxaana uu ku wareejiyay ciidamo daacad ah oo Gedo uu ku haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM