Warsame: Wali guddiyada waxaa ku jira dharcadka NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ma jiro farqi u dhaxeeya hanaanka loo magacaabay iyo habka loo turxaanbixinayo guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdjraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Axada maanta ah qoraal soo saarey ayaa su'aal ka keenay hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashooyinka Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraalkiisa ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in guddiyada ay wali kmaid yihiin saraaiil dharcad ah kana tirsan hay'adda mukhaabaraadka.

"Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay," ayuu yir.

Warsame ayaa ku daray: "Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha".

"Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan.  Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay," ayuu kusoo xiray.

Dhawaqa Warsame ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadda xilgaarsiinta ay xalay ku dhawaaqdey in guddiyada laga saarey 34 xubnood kuwaas oo kamid ahaa 67 kale oo ay cabasho ka gudbiyeen Musharaxiinta madaxtinimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM