Haramcad oo laga digay in la geeyo madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Sabtida maanta ah wuxuu si dadban u shaaciyey in uu socdo qorshe ciidamadda Haramcad ay kula wareegaan amniga garoonka Aadan Cadde.

Dhawaqaan ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii taliyaha booliska Soomaaliya uu saldhiga bileyska madaarka caalamiga ah uu hoos-geeyay booliska gobolka Banaadir oo uu madax ka yahay Taliye Jeneraal Saadaq John.

Warsame ayaa ugu baaqay xukuumadda xil-gaarsiinta in ay is-hor-taagto qorshahaas oo uu tibaaxay in ay wiiqeyso xasiloonida garoonka diyaaradaha.

Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayuu ku booriyey in ay ka feejignaadaan qorshahas.

"In amaanka garoonka caalamiga ah la hoos geeyo ciidamada Harmaad waa qatar waxayna qalalaase ka abuureysaa garoonka. Waxaan ugu baaqeynaa Ra'iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta inuu joojiyo talaabadan. AMISOM iyo Qaramada Midoobay waa inay ka feejignaadaan isku dayga lagu waxyeeleynayo amniga dekedda," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa mareega Twitter-ka.

Ciidanka Haramcad oo ah boolis si gaar ah uu u tababaray Turkiga ayaa waxaa aas-aastay Dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo taasoo u adeegsatay talaabooyin siyaasadeed oo ay ku beegsatay xubnaha mucaaradka ee aadka u naqdiya.

Siyaasi Warsame ayaa kamid ah xubnaha dhibaatadda ay u geysteen gaar ahaan weerar ay ku qaadeen hoygiisa oo ay ku naf-waayeen qaar kamid ah ilaaladiisa kuna burburiyeen hanti farab oo uu isaga lahaa, sidda uu ku shaaciyey wareysiyo.

Talaabadan ay ciidanka Haramcad kula wareegayaan ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa imaaneysa xilli la filayo in uu shir uga furmo dowladda federaalka iyo maamualda kaasoo xal loogu goobayo muranka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM