Warsame oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Image
Image
Image
Image
Image
Shakuur ayaa noqdey musharaxii madaxwayne saddexaad xubin ka noqonaya baarlamaanka 11aad.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay HOP#138, waxa uu helay 86 Cod, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashada heer Dowlad-goboleed ee Galmudug.

Warsame oo ahaa mucaaradka ugu wayn ee Farmaajo ayaa hada  kamid noqonayaa Golaha Shacabka BJFS

Garowe Online ayaa fahamsan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursigaasi ku soo baxay ka dib markii iska qanciyay dhamaan xubnihii u sharaxnaa kursigaan oo uu ku jiro xildhibaankii horay ugu fadhiyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u dhaliili jiray dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Kooxdiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya musharraxii saddexaad ee u taagan madaxtinnimada Soomaaliya ee la filayo inuu kamid noqdo baarlamaanka 11-aad. Waxaa ka horreeyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Mustafe Sheekh Dhuxulow oo loo doortay xildhibaanno.

Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009 ee ay ku midoobeen dowladdii uu hogaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbahaysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hogaaminayay Sharif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxaa maanta Dhuusamareeb lagu dooranayaa Cabdullahi Aadan Kulane oo ka tirsan saraakiisha ugu awoodda badan hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxaana uu kaalin muuqata ku leeyahay hawlgalka ay ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo ee khilaafka uu kala dhexeeyo maamulka Jubaland. Waxaa sidoo kale uu kaalin ku lahaa dilkii iyo qarintii Ikraan Tahliil Faarax.

Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ku soo badanaya wejiyada is diidan, iyadoo ay kuraas ku guulaysteen rag qaarkood la kala safnaa dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay horraantii 2021, kadib muddo kordhintii uu baarlamaanka ansixiyay.

Doorashada Soomaaliya ayaa si dardar leh uga socota maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, iyadoo gudiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee gobollada Waqooyi uu maalmaha soo socda dooran doono saddexda kursi ee ugu dambeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM