Wasaarada Arrimaha Dibada oo u yeertay safiirka UK kadib hadalkii buuqa dhaliyay

Image
Diblumaasiga Ingiriiska ayaa kala saarey Soomaaliya iyo Somaliland falkaas oo dad badan ay ka caroodeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Stephen Nithavrianakis.

Wada-hadallada ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo dib u xaqiijinta Boqortooyada Midowday ee Soomaaliya, madax-bannaanida dhuleed, iyo midnimada.

"Boqortooyada Midowday (UK) ayaa weli ah saaxiibka soo jireenka ah ee Soomaaliya, iyadoo door muhiim ah ka ciyaareysa amniga, horumarinta, iyo mashaariicda bani'aadamnimada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya todobaad kadib markii Danjiraha uu sheegay hadal buuq dhaliyay kaas oo uu ku kala saarey Soomaaliya iyo Somaliland uuna Fiqi hadalkaas ku qeexay xadgudub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM