Bidhaan oo Madaxweynaha Puntland kala shaqeynaya Ruqsado Kaluumeysi [XOG]

Image

MUQDISHO-  Wasiirka Kaluumeysiga dowlada Federalka Soomaaliya Cabdulahi Bidhaan Warsame ayaa tan iyo inta xilka loo magacabey waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii ruqsado Kaluumeysi ugu soo saari lahaa Maraakiib si sharci daro ah uga Kaluumeysata Badaha Soomaaliya gaar ahaan deganada hoos yimaada Puntland, sidaas waxaa ogaadey warsidahaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegey in Cabdulahi Bidhaan uu si dhow Madaxweyne Gaas ugala shaqeynayo sidii ruqsado cusub ugu soo saari lahaa shirkado uu wato inta aan la gaarin doorashada Puntland. 

Gaas aya sida xogtaan sheegayso u raadinaya ruqsadahaan Kalumeysiga inuu helo dakhli uu ku maalgaliyo doorashada ka dhici doonta Puntland 2019 taas oo uusan weli ku dhawaaqin inuu ka qayb galayo.

Wadashaqeynta Wasiirka Kalumeysiga dowlada Federaalka iyo Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale ku soo beegmaysa xilli uu go’an yahay xiriirka Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga ayaa xilka laga qaadey kadib markii uu Madaxweyne Gaas ka diidey inuu saxiixo ruqsado Kalumeysi oo sharci daro ah. Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu lug weyn ku lahaa xil u magaacbista Wasiirka cusub “Bidhaan” inta uusan go’in xiriirka uu la lahaa Dowlada Federalka Soomaaliya.

Badaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa degaanada Puntland hoos taga ayaa Shantii sano ee Madaxweyne Gaas xilka hayey waxaa soo galay Maraakiibtii ugu badneyd oo si sharci daro ah uga Kaluumeysata. 

Dakhliga maamulka Madaxweyne Gaas kasoo gala ruqsadahaan Kaluumeysiga ayaan si daahfuran uga muuqan misaaniyada dowlada halka aan gabi ahaan wax Mashaariic ah laga fulin deganaada laga gurto khayraadkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM