Wasiir: DF way dayacday Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay dayacday ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Kooxda Al Shabaab.

Janan ayaa daboolka ka qaadey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waqti iyo dhaqaale badan ku bixiso dacaayadaha loogu faafiyo baraha bulshada "Social Media" islamarkaana ay ka seexatay ka warqabka duruufaha ciidamada iyo xalaadda noloshooda.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Jubbaland oo kaliya mudo saddex todobaad ah looga dilay dagaalka Al Shabaab in ka badan 30 Askari, kuwaasoo aan wax war ah ka heynin dowladda dhexe, oo uu ku eedeeyay in qiimaha ugu badan u hurtay Social Media.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Janan ayaa ugu baaqay madaxda Villa Somalia inay wax ka bedelaaan habdhaqanka hadda jira, kaasoo uu tilmaamay inaan lagu hanan karin amaanka iyo xasiloonida dalka, oo wali qeybo kamid ah Al Shabaab gacanta ugu jira.

Hadalka Wasiir Janan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka wadashaqeyn ee Jubbaland iyo dowladda dhexe uu hadda maraya meeshii ugu xumeyd, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay madaxda DF inay faragelin ku hayso maamulkiisa.

Jubbaland ayaa bishii July Garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo celisay Taliye cusub oo DF u magacawday guutada 43aad ee ciidamada xoogga ee ka howlgala Jubbooyinka iyo Ged, oo lagu magacaabo Jen. Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow).

Sababta ayaa madaxda Jubbaland ku sheegeen in aan lagala tashan magacaabida Taliyaha, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe u gudbiyay Farmaajo dacwad ka dhan ah Taliska ciidamada xoogga, oo uu ku eedeeyay inuu jahwareer ka buuray Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM