Wasiir Fartaag oo Waji-gabax kala kulmay Odayaasha iyo Wax-garadka Gobalka Gedo

Image

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Macluumaadyada laga helayo magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in kulmadii uu magaaladaasi ka waday wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Fartaag ay fashil ku soo dhamaadeen ka dib waji gabax uu kala kulmay odoyaasha iyo waxgaradka magaaladaasi.

Wasiir Fartaag oo odoyaasha dhaqanka ka dalbaday inay taageeraan qorshaha DF ee ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe ayaan helin jawaabtii uu ka filayay, waxayna u sheegeen inaysan doonayn inay dhexgalaan siyaasadaha is diiddan taas oo dhibaato u horseedi karta amniga gobalka Gedo.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka ay odoyaasha u soo bandhigeen lacago si ugu yaraan loogu qanciyo qorshaha Villa Soomaaliya, balse taas badalkeeda wafdiga ka yimid Muqdisho waxaa lagu dhaliilay in hormarka gobalka ay uga muhiimsantahay fulinta qorshe siyaasadeed oo dad gaar ah faa,iido ku qabaan.

Si kastaba, xiisadda u dhaxaysa DF iyo maamulka Jubbaland ayaa maraysa meel adag, haddana xukuumadda RW Xamse waxa ay waddaa dadaalo xoog leh oo ay ku doonayso inay ku soo gaabiso awoodda uu Axmed Madoobe ku leeyahay gobalka Gedo, waana sababta uu hadda halkaasi u joogo wasiirka amniga gudaha Mudane Fartaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM