Wasiir Fartaag oo Waji-gabax kala kulmay Odayaasha iyo Wax-garadka Gobalka Gedo

Image

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Macluumaadyada laga helayo magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in kulmadii uu magaaladaasi ka waday wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Fartaag ay fashil ku soo dhamaadeen ka dib waji gabax uu kala kulmay odoyaasha iyo waxgaradka magaaladaasi.

Wasiir Fartaag oo odoyaasha dhaqanka ka dalbaday inay taageeraan qorshaha DF ee ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe ayaan helin jawaabtii uu ka filayay, waxayna u sheegeen inaysan doonayn inay dhexgalaan siyaasadaha is diiddan taas oo dhibaato u horseedi karta amniga gobalka Gedo.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka ay odoyaasha u soo bandhigeen lacago si ugu yaraan loogu qanciyo qorshaha Villa Soomaaliya, balse taas badalkeeda wafdiga ka yimid Muqdisho waxaa lagu dhaliilay in hormarka gobalka ay uga muhiimsantahay fulinta qorshe siyaasadeed oo dad gaar ah faa,iido ku qabaan.

Si kastaba, xiisadda u dhaxaysa DF iyo maamulka Jubbaland ayaa maraysa meel adag, haddana xukuumadda RW Xamse waxa ay waddaa dadaalo xoog leh oo ay ku doonayso inay ku soo gaabiso awoodda uu Axmed Madoobe ku leeyahay gobalka Gedo, waana sababta uu hadda halkaasi u joogo wasiirka amniga gudaha Mudane Fartaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM