Wasiir Fiqi oo laga gudbiyay mooshin kalsooni kala laabasho ah

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qabtay mooshin ay in ka badan 90 Xildhibaan ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Mooshinka ayaa waxaa ku qoran “in wasiir Fiqi uu caddilay Shaqadii Wasaaradda o amuurihii maamulka iyo Shaqo maalmeedkiï Wasaaradda gabi ahaanba joojiyay isagoo sifo ku dhisan ku tagrifal awoodeed isku xiray Shaqo maalmeedkii Wasaaradda in isaga oggolaasho looga helo warqadda ugu yar ee Nola Ostada ah”.

""Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay," ayaa lagu yiri warqad Mooshinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM