Wasiir Jamaal oo loo dhaariyay Xildhibaanimada [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta loo dhaariyay kursiga Xildhibaanimada Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka.

Jamaal ayaa 7-dii bishan kusoo baxay doorasho ka dhacday xarunta Aqalka Wakiiladda Puntland ee magaalada Garoowe, taasoo musharaxii la tartamay uusan wax cod ah helin, isaguna uu ku guuleystay 49 cod, oo kamid ah 51 ergo doorasho.

Wasiirka qorsheynta, oo soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya [April 2015 illaa March 2018], ayaa bedelay Xildhibaan Dhahar Cali Faarax oo xilkaasi iska casilay, islamarkaana loo magacaabay qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Jabuuti.

Su'aallo badan ayaa ka taagan qaabkii uu Wasiirkan, oo kamid ah kuwa ugu cad-cad Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ugu soo baxay doorashada Kursigan beeshiisa loo qoondeeyay.

Jamaal ayaa kamid ahaa wasiiradda fara ku tiriska ah ee aan ahayn Xildhibaan, iyadoo uu wado Khayre qorshe uu dhamaan xubanaha Xukuumadda ugu biirinayo gollaha Shacabka, waxaana horey u noqday 74%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM