Wasiir katirsan Xukuumadda Khayre oo hortagay Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdifitaax Geesey ayaa maanta hortagay Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, halkaasi oo Xildhibaanada ugu yeereen.

Kulanka oo ay soo xaadireen 151 xildhibaan, islamarkaana uu shir gudoomiyay Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa Ajendahiisu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul.

Fadhigii maanta oo ahaa kii 11aad ee Kalfadhiga 4aad, ayaa Xildhibaanada Gollaha kusoo gaba-gabeeyay akhrinta Hindise sharciyeedka Wasiirka uu usoo gudbiyay, waxaana lagu wadaa in kulanka xiga lagu meel-mariyo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Maxamed Mursal, Wasiirkii hore ee difaaca uu gudoomiye u noqday Gollaha Shacabka, waxaa soo kordhayay baaqashada kulamada hay'addan sharci-dejinta, iyadoo howshiisa ay noqotay mid gaabis ah.

Xildhibaanno badan ayaa ku biiray Xukuumadda, waxaana la sheegay in 74% xubnaha Gollaha Wasiiradda ay yihiin mudaniyaal kamid ah Gollaha shacabka, taasina ay dad badan ku tilmaameen inay wiiqday la-xisaabtanka laanta fulinta ee dowladda.

Gollaha Shacabka ayaa fadhigiisii 3aad ee kan ka horeeyay ku dhameystay Khilaaf siyaasadeed iyo mooshin laga keenay Afhayeenkii hore Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo is-mariwaa kadib xilka iska casilay horaantii sanadkan.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM