Wasiir shaaciyey cida hurineysa khilaafka hogaanka Galmudug

Image

CADAADO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan [Masagaway], ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inuu waqti badan ku bixinayo hurinta khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya hogaanka maamulkiisa.

Muranka ka dhex-jira madaxda Galmudug ayaa sababey inay ku kala shaqeeyaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, Madaxwayne Xaaf iyo ku xigeenkiisa oo uu wehliyo Gudoomiye Cali Gacal Casar.

Wasiir Masagaway oo saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya ay soo abaabushay kulan ay Sabtidii ku yeesheen xubno ka tirsan Baarlamanka Galmudug magaalada Cadaado, kaasoo ay kaga dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Xaaf.

Madaxwayne Xaaf iyo Cali Gacal Casar oo Xildhibaano ku kala shiray Dhuusamareeb iyo Cadaado sheegteen inay xilkii ka xayuubiyeen ayaan si isku mid ah uga soo horjeestay.

Shaacinta Mudanayaasha ayuu tibaaxay Wasiirka Warfaafinta in ujeedada laga leeyahay ay tahay in la car-qaladeeyo dadaalo uu tilmaamay inay wadaan koox siyaasiyiin ah, kuwaasoo doonaya inay soo afjaraan colaadaha degaanka maamulkaan ka jira.

"Wixii cawaaqib xuma ah ee ka dhasha faragelinta qaawan oo ay madaxda dowladda ku hayaan maamulka Galmudug waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxwayne Farmaajo," ayuu hadalkiisa kusii daray Wasiir Masagaway.

Hadalka wasiir warfaafinta Galmudug ayaa imaanaya xili saacadihii lasoo dhaafey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ay kala gaareen Wafdi Xildhibaano ah oo kala raacsan dhinacyadda ku lugta siyaasadda jahwareersan ee maamulkaan.

Si kastaba, wali dowladda Federaalka wax war ah kama aysan soo saarin xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, taasoo kusoo beegmaysa xilli Villa Soomaaliya uu khilaaf xooggan kala dhaxeeya maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM