Wasiirada Soomaaliya oo in ka badan $1.3 bilyan u ansixiyry miisaaniyada 2025

Image
Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM