Wasiiradda Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka magaalada Muqdisho soo gaarey wafuud ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo amaanka caasimadda si aad ah loo adkeeyay, lana xiray wadooyinka qaar.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Kulan saddex geesood ah ayaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ku yeelanayaan maanta Muqdisho, iyagoo kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka dalalka ay matalaan, oo hogaamiyayaashooda dhawaan heshiis ku gaarey Asmara.

Amaanka Caasimadda ayaa si aad ah loo adkeeyay kahor inta wafuuddan soo gaarin, iyadoo ciidamada ay xireen wadooyinka muhiimka ah, waxaana la hakiyay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray magaalada qeybaheeda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM