Wasiirka amniga: Kooxda Farmaajo kama duwan is-miidaamiyeyaasha

Image
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka amniga Xukumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Kooxda Farmaajo waxba kama duwana kooxaha suunka isku soo xira ee is-qarxiya" xilli uu ka hadlaayay xaalada amaan ee dalka.

Cabdullaahi, oo hoosta ka xariiqay in dalka ku jiro xaalad amni ayaa ka digay “damin ay maleegayaan kooxda Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo aan dal iyo dad toona u naxayn ee ka fiirsanaya danahooda gaarka ah”.

“Madeira, oo Ra’iisul wasaarihii dalka ugu sareeyay uu PNG siiyay in uu dalka ku soo laabto oo uu ka shaqeeyo waa waxaan dhacayn iyaguna waa garanayaan” ayuu yiri Nuur oo ka tirsan xubnaha sida wayn u naqdiya nidaamka maamul ee Farmaajo.

Cabdullaahi ayaa sheegay in sheekada ergaygaan la cayriyay ay iska dhamaan doonto maalmaha soo socda, uuna dhaqan galyahay talaabadii dalka looga raacdeeyay Francisco Madeira.

“Madeira mustaqbalkiisa ayuu ku ciyaaray, mudadii uu laaluushka iska qaadan jirana waa dhamaaday” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Khatar ku soo wajahan Muqdisho.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in khatar badan ay ku soo wajahantahay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho “maalmaha soo socda ama saacado gudohood, maxaa yeellay Farmaajo ma qabo kalsooni uu ku aado doorasho”.

Waxa uu intaasi ku daray in Farmaajo uusan xitaa awoodin in uu qirto in sharci iyo sharci daro midna ku joogi waayay Villa Soomaaliya ee iska baxo badalkii uu isku dhamayn lahaa shacabka Soomaaliyeed oo markii horaba tabaalaysnaa.

“Ninkaan (Farmaajo) waxbuu samayn doonaa ama si uunbuu isku qarxi” ayuu yiri isaga oo ka gaabsaday in uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo damaca Farmaajo xilli shaki wayn laga qabo in talaabooyin cawaaqib xun reeba uu ku dhawaaqo 12 April 2022 oo ah maalinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa September 2021 Cabdullaahi magacaabay wasiirka amniga, isla markiiba waxaa ka soo horjeestay Farmaajo Madaxweynaha waqtigu ka dhacay inkastoo uu si rasmi ah xilka ula wareegay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka. Sidoo kale, wuxuu mucaarad weyn ku ahaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee waqtigeedu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM