Wasiirka arrimaha dibada Norway oo Muqdisho timid lana kulantay Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Norway, Ine Eriksen Soreide, ayaa socdaal hal maalin qaatay waxay ku timaaday Muqdisho, caasimada Soomaaliya, maanta oo Isniin ah.

Ine Eriksen Soreide waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ku xigeenka ra'iisul wasaaraha ahna ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumada, Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas'uuliyihiin kale.

Soreide oo Khadar uga mahadcelisay soo dhaweyta ayaa farxad ka muujisay imaatinkeeda Soomaaliya oo ah markii koowaad tan iyo markii ay Norway dib u soo celisay howlgalkeeda diblumaasiyada ee dalka.

Dhinaca kale, ra'iisul wasaare ku xigeenka oo shaaciyey in uu kulan la yeeshay wasiirka ayaa xusay in ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka labada dowladood ee laba geesoodka ah.

"Ra'iisul wasaare ku xigeenka wuxuu maanta qaabilay Ine Eriksen Soreide. Wasiirada oo booqasho maalin ah ku timid dalka ayey kawada hadleen arrimaha hortabin u leh hogaanka dalka," ayuu yiri xafiiska Khayre.

Geesta kale, wasiirada ayaa waxay intaasi kadib kulan la yeelatay ra'iisul wasaare Khayre. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu fahfaahiyey kulanka.

"Farxad ayey ii tahay in aan soo dhaweeyo oo aan kulan la yeesho wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide. Safarkeeda waxa uu daaran yahay karaarsiinta xiriirka labada geesoodka ah," ayaa lagu yiri.

Norway ayaa kamid ah dalalka caalamka ee deeqaha kala duwan siiya Soomaaliya oo ah wadan kasoo kabanaya colaado sokeeye lana halgamaya ciribtirka Al-Shabaab.

"[Wuxuu kaloo socdaalkeeda] banaanbax uu u yahay taageerada shirkada Norway ee dib u habeynta ajendaha qaran ee Soomaaliya," ayaa lagu raaciyey qoraalka xafiiska Khayre.

Axadii ayey ahayd markii, agaasimaha waaxda siyaasada wasaaradda arrimaha dibada UK oo socdaal hal maalin ah ku yimid waddanka uu la kulmay Khayre oo ay kawada hadleen amniga, dhaqaalaha iyo ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM