Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo fahfaahiyey safarkiisa New York

Image
Image
Image
Image
Abshir Cumar Jaamac ayaa ka qeybgalay shir horudhac u ah kulanka guud ee Qaramada Midoobay.

NEW YORK, United States - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa kaga qeybgalay shir horudhac u ah Magaalada New York meertada 77aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa oo ay xubno ka yihiin 193 dowladood.

Shir sanadeedkani oo saddex sano kaidb ku qabsoomaya xarunta UN-ka ayaa xagaagan waxaa halkudhiggiisu yahay "Xalka waara ee loo maro Wadajirka, Joogtaynta iyo Sayniska".

Shirka oo si rasmi ah u furmay maanta 19 September ayaa looga hadlayaa arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, shaqa la’aanta dhallinyarada iyo haweenka iyo door ka-siinta siyaasadda, isbeddelka cimilada, waxbarashada oo markaan mudnaan gaar ah la siiyey, dhaqaalaha, cunno yaraanta iyo arrimo badan oo kale oo muhiim ah. Shirkani wuxuu socon doonaa illaa 25 bishan.

"Waxaa sidoo kale shirar doceedyo badan oo horay loo qorsheeyey Wasiirku la yeelan doonaa madax kale oo isugu jira wasiiro iyo madaxweynayaal ka kala yimid dowlado kala duwan oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimadda u leh dalkeenna iyo waddamada aynu saaxiibada iyo dano wadaagga nahay," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa raacisay: "Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madax iyo wakiillo ururro caalami ah, heer qaaradeed iyo kuwa heer gobol ah oo uu kala hadli doono xiriirka dhinacyada badan iyo iskaashiga".

Wasiir Jaamac ayaa kulankan kadib wuxuu shaaca ka qaadey in xubnaha uu la kulmi doono uu kala hadli doono danaha Soomaaliya isla markaana ujeedka safarkiisa New York uu yahay sidii uu dunida uga gadi lahaa qadiyadda Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa in uu khudbad ka jeediyo kulanka loo dhan yahay ee Qaramadda Midoobay. Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa Isniintii shalay wuxuu London uga qeybgalay caleema-saarka boqoradda geeriyootay ee dalka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM