Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo gaarey magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid "Juxa" ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabelle.

Wasiirka ayaa horkacaya Wafdi dhex-dhexaadin ah, oo ay dowladda dhexe u dirtey Jowhar, si ay usoo dhameeyaan Khilaaf Siyaasadeedka sii xoogeysanaya, ee ka dhex-taagan maamulka HirShabelle, gaar ahaan Barlamanka iyo Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.

Wasiir Juxa ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Labada Golle ee maamulka HirShabelle, oo ay kamid yihiin Cosoble iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda, ee dhawaan Kalsoonida kala laabtay, kadib markii ay ku eedeeyeen wax-qabad la;aan iyo ku takrifal awoodeed.

Madaxweyne Cosoble ayaa diiday xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 kadin markii ay ka keeneen Mooshin kalsooni kala noqosho ah Isniintii lasoo dhaafey ee Todobaadkan sii dhamaanaya.

Xildhibaanada ayaa u magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guud-Laawe), inuu noqdo sii hayaha Madaxweynaha HirShabelle, inta ay kasoo dooranayaan Madaxweyne Cusub mudo bil gudaheeda ah, iyadoo ay dhiseen Gudi Doorasho, oo dhowr xubnood ka kooban.

Madaxweyne Cosoble ayaa diiday go'aanka Barlamanka, wuxuuna ku adkaysanayaa inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah, isagoo ku eedeeyey dowladda Federaalka inay soo maleegtay Mooshinka xilka looga qaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM