Wasiirka batroolka oo su'aallo laga waydiinayo heshiiska shidaalka

Image
Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo baaraya heshiiskan buuqa dhaliyey ayaa u yeeray Cabdirashiid Maxamed Axmed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka ayaa u yeeray wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, sida ku xusan qoraal uu arkay warsidaha Garowe Online.

Axmed oo wali aan ka jawaabin warqaddan ayaa wuxuu dhowaan saxiixay heshiis shidaal oo uu la galay shirkada Coastline Exploration Limited oo laga leeyahay wadanka Maraykanka.

Sida laga soo xigtay qoraalka, maalinta Isniinta ah oo ay bisha April ku beegan tahay 25 ayaa lagu qoray warqada in uu xafiiska xeer ilaalinta yimaado wasiirku.

Heshiiska shidaalka ee ay kala saxiixdeen shirkadda Coastline iyo wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa wuxuu soconayaa muddo 30-sano ah, sidda ay ku warantay VOA Soomaali.

Sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda ku hadasha afka Mareykanka, mudda uu soconayo heshiiskan laguma sameyn karo wax isbadal ah.

Warbixinta ayaa intaas waxay ku daraysaa in heshiiska uu siinayo Soomaaliya dheef 5%, faa’iido 50-50 ah, canshuur 30% ah iyo faa’iidooyin kale oo aan fahfaahin laga bixin.

Madaxa shirkadda Coastline Richard Anderson oo lagu wareystay barnaamijka ayaa daaha ka rogay in heshiiska uu maray dhamaan habraacyada lama maarmaanka ahaa isaga oo ku sifeeyay "mid u dhameystiran yihiin sharciyadii".

Dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa wasiirk Axmed bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in wasaaradiisu ay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ah la gashay shirkadda Costline Exploration ltd.

Xafiisyada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiisaas uusan xalaal ahayn.

Hase yeeshee shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacan-sayrtay, waxayna sheegtay in heshiiska uu yahay mid sharci ah, ayna ka rajo-qabaan in loo fasaxo kadib baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad kala guur ah. Waqtiyadan oo kale, madaxda waxay isku dayaan in ay uga faa’iideystaan in ay galaan heshiisyo soconaya muddo dheer si ay uga sameeyaan dhaqaale ay kursiga ku difaacdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM