Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa joojisay lacagta laga qaadayo dadka safraya iyo kuwa dalka imaanaya ee lagu qasabayo inay qaataan buugga caafimaadka, taasoo ay soo rogtay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in arintaas dib u eegis lagu sameynayo xilli uu dhaqan-gali lahaa 3-da Feb. 2025. Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay amarka qaadashadda buugga yellow fever oo halkii xabo $45 dollar ah, iyadoo arinta loo arko mid musuq-maasuq ah.

Waxay Wasaaradda Maaliyadda shaaca ka qaaday in buugga caafimaadka yahay waxba kama jiraan, maadaama uu ka hor imanayo sharciga Maamulka Dakhliga ee soo baxay 2019, kaasoo dhigaya in Wasaaradda Maaliyadda mid aan ahayn aysan lacag qaadi karin.

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM