Wasiirka Dastuurka Somalia oo shir ku qabtay magaalada Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed, kaaso ku saabsanaa in dadka ay ra’yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda gacanta ku hayso.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Arrimaha Dastuurka KG Cabduqaadir Nuur Caraale, iyo masuuliyiin kale oo katirsan dawlad goboleedka KG.

Wasiir Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada bulshada rayidka ee KG ay muhiim u tahay diyaarinta Qorshaha Guud ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Maanta waxaa sharaf inoo ah in kulamadii wadatashiga mid kamid ah aan ku qabano Baydhabo, waxa aan idinkaga baahannahay in aad taladiina ku darsataan qabyo qoraalka Qorshaha Guud ee haannaanka dib-u-eegusta Dastuurka ee aan diyaarinayno,” Ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa talooyin badan u soo gudbiyay Wasaaradda iyaga oo ku dhiirageliyay in ay sii wadaan kulamada ceynkan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Guud uu weli yahay qabyo uuna rasmi noqon doono marka laga tala geliyo dhamaan dawlad goboleedyada kadibna lagu ansixiyo shirweynaha Qaran ee Dastuurka ee bisha soo socota ka dhici doona Muqdisho ayna ka qaybgeli doonaan madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya shirar is-daba socday oo muddooyinkan wasiirka Dastuurka Somalia uu ku qabtay magaalooyinka Garowe iyo Muqdishu, kuwaasoo lagu raadinayo in isbadal lagu sameeyo Dastuurka Somalia.

Barlamanka Somalia, ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka imaanaya Aqallada Wakiillada iyo Senet-ka kuwaasoo loo igmada arrinta uu hadda hayo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horay loogu eedeeyay inuu farogalin ku sameeyay qodobo kamid ah Dastuurka KMG ah ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM