Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo su'aallo la waydiiyay

Image
Su'aallaha ayaa ku saabsanaa Shaqada Wasaaradda iyo howlaha baaxadda lah ee horyaalla.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Warfaafinta, wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Abuukar (Murjaan) oo uu wahliyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow iyo xubnaha guddiga.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu ahaa ahaa su’aallo waydiinta iyo la xisaabtanka Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali )ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka hortebinta u leh, isagoo guddiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su'aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha baaxadda lah ee ay shacabka soomaaliyeed u hayso, Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaan su’aalihii uu guddigu waydiiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM