Wasiirkii saddexaad oo iska-casilay xukuumada federaalka Soomaaliya

Image
Wasiirka xilka ka degaya oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah kana soo jeeda Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Saadaam Maxamuud Cabdi, ayaa habeenimadii Talaadada iscasishay, iyadoo noqotay wasiirkii saddexaad ee xilka iska casila maalmihii ugu dambeeyay.

Wasiirka xilka ka degaya oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah kana soo jeeda Puntland ayaa ku biiraya labo wasiir oo ka tirsanaa dowladda federaalka oo kala ahaa Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Axmed Isman Ibraahim Daqare oo ka soo jeeda Jubbaland, kuwaas oo isku casilay khilaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in go’aankiisa ay ka danbeeyeen wax uu u arkayay in la siyaasadeynayo mashaariicda horumarineed ee laga wado Puntland oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay wado dagaalo ka dhaca deegaanada Jubbaland.

Labo maalin kadib, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Axmed Nuur Sheekh Maxamed Loxox, halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo magacaabay C/rashiid Maxamed Ducaale, isagoo buuxiyay boosaskii banaanaa.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo bilowday markii Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho, isagoo dalbaday in Puntland iyo SSC Khaatumo lagu soo daro, iyadoo Puntland ay wali sii waday inay qaadacdo shirarka NCC oo khilaaf ka dhashay. la leh dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM