Somalia: ​Wasiiro diiday Codbixintii go’aanka looga gaarey Kiiska Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHU, Somalia – Warsidaha Garowe Online, ayaa helay Macluumaad hoose, oo xaqiijinaya in qaar katirsan Wasiiradda Xukuumadda Somalia ay diideen Codkii go’aan looga gaarey Maanta Kiiska Qalbi Dhagax.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Saddex Wasiir ay diideen inay taageeraan go’aanka Xukuumadda ka qaadatey maanta Qalbi Dhagax, oo maalmo kahor loo gacan geliyay dowladda Ethiopia.

Wasiirada ayaa kala ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka,  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisinta, Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Xogta Garowe Online ayaa intaasi ku daraysa in Maryan Qaasim ay diidey go’aanka, halka Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Duuliska Hawada ay ka aamuseen inay u codeeyaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasare Khayre ayaa maanta meel cad iskataagtey Kiiska Qalbi Dhagax, oo maalmahan si aad ah bulshada qeybaheeda kala duwan u hadal hayeen, aadna loogu dhaliilay dowladda inay ninkaasi katirsan ONLF u dhiibto Ethiopia.

War Saxaafadeed kasoo baxay Gollaha Wasiiradda ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax katirsan yahay ONLF, islamarkaana xiriir kala dhaxeeyay Al shabaab, isagoo dalkana u joogay inuu maleego falal amni darro.

Al shabaab ayaa durba ka jawaabtey Warka dowladda, waxayna sheegtay ina haba yaraatee wax xiriir ah kala dhaxeyn Qalbi Dhagax iyo Kooxdiisa ONLF.

Qalbi Dhagax ayaa waxaa bishii lasoo dhaafey laga soo qabtey magaalada Galkacyo, waxaana ay Ciidamada NISA ee dowladda Federaalka kala soo baxeen Xabsi ay maamusho Galmudug, kadibna ku wareejisay maalmo kahor Ethiopia.

Dowladda waxay sheegtay in Somalia iyo Ethiopia ay saxiixdeen 2015  iyo 2016 heshiisyo ku saabsan inay iska-kaashadaabla dagaalanka Kooxaha Argagaxisada ee Al shabaab iyo ONLF oo ay sheegeen inay khatar ku yihiin amniga labada dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM