Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Shan askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, tiro kelana dhaawac ayaa kasoo gaarey kadib weerar lagu qaaday Saldhig ay ku leeyihiin duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Duulaanka oo ay geysteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhinacooda waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegteen saraakiisha amaanka.

Saraakiish u hadashay ciidanka xooga dalka ayaa tibaaxay in weerarka oo ka dhacay degaanka Jaziira oo Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ay iska caabin xoog leh kaga hor-tageen.

Ma aysan sheegin tiradda saxda ah oo ay ku toogteen iska hor-imaad ka dhashay weerarka, inkasta oo dadka degaanka ay u sheegeen warsidaha Garowe Online inay maqleen daryenka rasaas culus.

Al-Shabaab oo qoraal kasoo saartay weerarka waxay sheegtay inuu howlgalkooda u fulay sidii ay u qorsheeyeen, iyaga oo afka ku balaariyay inay ku dileen Shan Askari ayna u dhaawaceen tiro kale.

Dhacdadaani ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed uu sheegtay inuu Shabaab ka nadiifiyey wadada isku xirta Muqdisho iyo degaanka xeebta leh ee Jaziira.

Jaziira oo ah degaan Xeebeed ayaa waxaa u dalxiis taga qaybaha kala duwan ee Bulsadda Soomaaliyeed kuwaada caasimada ku nool, kuwaasi oo u taga inay soo qaataan neecawdo ud-goon ee kasoo burqanaysa xeebta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM