Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Shan askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, tiro kelana dhaawac ayaa kasoo gaarey kadib weerar lagu qaaday Saldhig ay ku leeyihiin duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Duulaanka oo ay geysteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhinacooda waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegteen saraakiisha amaanka.

Saraakiish u hadashay ciidanka xooga dalka ayaa tibaaxay in weerarka oo ka dhacay degaanka Jaziira oo Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ay iska caabin xoog leh kaga hor-tageen.

Ma aysan sheegin tiradda saxda ah oo ay ku toogteen iska hor-imaad ka dhashay weerarka, inkasta oo dadka degaanka ay u sheegeen warsidaha Garowe Online inay maqleen daryenka rasaas culus.

Al-Shabaab oo qoraal kasoo saartay weerarka waxay sheegtay inuu howlgalkooda u fulay sidii ay u qorsheeyeen, iyaga oo afka ku balaariyay inay ku dileen Shan Askari ayna u dhaawaceen tiro kale.

Dhacdadaani ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed uu sheegtay inuu Shabaab ka nadiifiyey wadada isku xirta Muqdisho iyo degaanka xeebta leh ee Jaziira.

Jaziira oo ah degaan Xeebeed ayaa waxaa u dalxiis taga qaybaha kala duwan ee Bulsadda Soomaaliyeed kuwaada caasimada ku nool, kuwaasi oo u taga inay soo qaataan neecawdo ud-goon ee kasoo burqanaysa xeebta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM