Weerar culus oo ka dhacay duleedka Baydhabo [Fahfaahin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Fahfaahino kala duwan ayaa laga helayaa weerar Al-Shabaab ku qaadeyfariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay, koonfurta Soomaaliya.

Duulaanka, oo ahaa mid culus, kaasi oo ka dhashay iska hor-imaad fool ka fool ah, oo laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayey dadku degaanka kusoo waramayaa inuu socdo illaa iyo haatan, inkasta oo aanan la hubin khasaaraha dhabta ah.

Mas'uuliyiin Koonfur Galbeed ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in ciidamo ka baxay caasimadda KMG dowlad goboleedkan loo diray dhinaca meesha ay wax ka dhacayaan, si ay gurmad iska caabin ugala hortagaan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in xaalada degaanka ay tahay mid kacsan, islamarkaana dadka ay bilaabeen inay isaga barakacaan iyaga oo cabsi ka qaba inay waxyeelo kasoo gaartay Hubka culus oo ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan.

Degaanka Daynuunay oo tiro dhowr jeer weeraru loogu qaadey ayaa qiyaastii dhowr kilometer wuxuu ujiraa Baydhabo, halkaasi oo todobaadkan uu ka dhaceen qaraxyo wayn, kuwaasi oo galaaftay nolasha in ka badan 20 ruux oo shacab ah.

Weeraradaan ayaa imaanaya xili Koonfur Galbeed ay galayso doorasho, oo murashaxiin kala duwan ay ku baratamayaan, kuwaasi oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow, kaasi oo horey usoo noqday hogaamiye ku xigeenka iyo Afhaeenka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM