Weerar ka dhacay Afmadow iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFMADOW, Soomaaliya – Dagaalyahanno loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaadey degmada Afmadow, oo katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka warsidaha Garowe Online kasoo gaaraya magaaladda ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas iyo gantaallada garabka laga rido ay ku tureen saldhig ay degan yihiin ciidamada difaaca dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, iyagoo ku jawaabey rasaas culus oo laga maqlay xaafadaha magaaladda, taasoo mudo daqiiqado ah socotay.

Kooxdii weerarka ku qaadey saldhigga ayaa sameysay dib u gurasho kadib markii ay la kulantay iska-caabin xooggan. Lama oga khasaaraha labada dhinac iyo dadka shacabka kasoo gaarey rasaasta.

Degmada Afmadow ayaa kamida goobaha hoos yimaada maamulka Jubbaland, waxaana mudo 8 sano ku dhaw ku sugan ciidamada Kenya oo markii hore Al-Shabaab ka saarey.

Xaaladda magaaladda ayaa degan kadib weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM