Weerar ka dhacay Afmadow iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFMADOW, Soomaaliya – Dagaalyahanno loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaadey degmada Afmadow, oo katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka warsidaha Garowe Online kasoo gaaraya magaaladda ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas iyo gantaallada garabka laga rido ay ku tureen saldhig ay degan yihiin ciidamada difaaca dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, iyagoo ku jawaabey rasaas culus oo laga maqlay xaafadaha magaaladda, taasoo mudo daqiiqado ah socotay.

Kooxdii weerarka ku qaadey saldhigga ayaa sameysay dib u gurasho kadib markii ay la kulantay iska-caabin xooggan. Lama oga khasaaraha labada dhinac iyo dadka shacabka kasoo gaarey rasaasta.

Degmada Afmadow ayaa kamida goobaha hoos yimaada maamulka Jubbaland, waxaana mudo 8 sano ku dhaw ku sugan ciidamada Kenya oo markii hore Al-Shabaab ka saarey.

Xaaladda magaaladda ayaa degan kadib weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM