​Weerar lagu dilay 10 Shacab ah oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

BARIIRE, Somalia - Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar ay Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen saaka oo Jimco ah deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Shabellaha Hhose ee dhinaca Amniga, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka, kaasi oo ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Bariire, oo qiyaastii 40KM dhanka galbeed uga beegan Muqdishu.

Wuxuu Cali sidoo kale u sheegay GO in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 nin oo waardiye ka ahaa Beerta, kadibna ay horey u sii kaxeysteen tiro kale, oo ay ku qaateen Diyaaradaha Helicopters-ka.

"Beerta la weeraray ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay nin dadka deegaanka Bariire katirsan, oo lagu magacaabo Xuseen Tabliiq, illaa haddana mana naqaano sababta loo weeraray Beertiisa iyo sababta ka dambaysa dilka shacabka," ayuu yiri Cali Nuur.

Magacyada dadka ku dhintay Weerarka:

1 - Ali Aden Ahmed

2 - Abdifitah Yusuf Abdi

3 - Juruum Mohamud Yusuf

4 - Saney Jama Warsame

5 - Ali Abdi Ibrahim

6 - Abdulkadir Abdullahi Dirie

7 - Isack Ali Harun

8 - Mohamud Talasow Abdi

9 - Hussein Khamis Moalim Abdi

10 - Mohamud Mohamed Abdi

Deegaanka Bariire ayaa la wareegay Ciidamada Dowladda Somalia, oo garab ka helaya AMISOM iyo kuwa Mareykanka Todobaad kahor, kadib duulaan wadajir ah, oo ay ku qaadeen Dagaalyahanadii Al shabaab-ka ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada Mareykanka ee weerarkan fuliyay waxaa la sheegay inay degan yihiin Saldhiga Balli-Doogle, oo aan ka fogeyn Bariire, halkaasi oo inta badan ka qaadaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Dowladda Federaalka Somalia wali kama aysan hadlin weerarka lagu xasuuqay dadka shacab ah, balse Xildhibaano katirsan Barlamanka dalka ayaa cambaareeyay falkaasi, kuna baaqay in baaritaan lagu sameeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM