Weerar lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Weerar ku bilowday qarax xoogan ayaa Jimcada maanta ah laga soo warinayaa magaaladda dekadda leh ee Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in duulaanka lagu beegsaday huteel caan ah kaasi oo lagu magacaabo Maamuus isla markaana horey loo oran jiray Cas-casey Hotel.

Dabley aad u hubeysan ayaa gudaha gashay kadib qaraxa, inkasta oo ay iska caabin kala kulmeen ciidamadda ammaanka ee ilaalada ka hayey huteelkaasi.

Kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa durba dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadan oo ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta maamulkaasi.

Fahfaahinada ayaa waxay intaasi ku dareysaa in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka, wallow aanan la xaqiijin karin tiradda saxda ah.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqdey si loo badbaadiyo noloshooda.

Weerarka ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo la filayo in bartamaha bisha Agoosto 2019 ay Jubbaland ka qabsoonto doorashadda madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM