Wafdi caalami ah oo ku wajahan caasimadaha maamul goboleedyada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika, Francisco Madeira, ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan ay la qaateen gudoonka Aqalka Sare, oo khilaafka dalka ka jira looga hadlay.

Kulanka oo ka qabsoomay dhismaha Aqalka Sare ee Muqdisho shalay ayaa kamid ahaa xubnihii xaadirka ku ahayd Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uga mahad-celiyay wafdiga sida ay u doonayaan in la xaliyo khilaafka taagan.

Haysom iyo Madeira oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka waxay daboolka ka qaaday in ujeedka kulankooda uu diiradda saarayey khilaafka maamulada iyo dowlada dhexe, si lamid ah doorka uu Aqalka Sare ka qaadanayo xalintiisa.

Si isku mid ah ayey codkooda ugu biiriyeen taageerada ay Beesha Caalamka u hayso doorka Aqalka Sare, waxayna shaaca ka qaadeen inay kala shaqayn doonaan sidii xal waara loogu gaari lahaa is-marin-waaga siyaasadeed ee daxaleystay.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qudhiisa ka warbixiyay kulanka ayaa tibaaxay in madaxda ay sidoo kale isla soo qaadeen booqashooyin ay ku tagaan degaanada dowlad goboleedyadda si loo helo xal ku aadan muranka.

Maamulada iyo dowladda dhexe ayaa isku haya arrimo badan oo bud-dhig u ah; amniga, wadaaga kheyraad, fulinta heshiis hore iyo faragelin ay la sheegay dowladda Federaalka ay ku hayso arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM