Wufuud caalami ah oo soo gaartey Muqdisho iyo ujeedka oo la ogaadey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Jimco ah soo gaarey magaalada Muqdisho wufuud ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka [OIC], sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wufuud oo ka kala socota dalal ay kamid yihiin Sacuudiga, Turkiga iyo Malaysiya, iyo wafdi kale uu hoggaaminayo Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka qeybgalaya shir berri ka furmya magaalada.

Kulanka oo looga magacdaray "Shirka Kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka" ayaanan la ogeyn ajandooyinka looga hadli doono, balse warar hoose ayaa sheegay in diiradda lagu saari doono arrimaha xilliga ka taagan dalalka kamidka ah OIC.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo dheeraad ah dhigtay wadooyinka, iyadoo shacabka ay walaac ka muujinayaan jidadka laga xiro marka shirarka noocan ah Muqdisho lagu qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM