Xaad oo shaaciyey kaalintiisa askarta loo daabulay Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu qirtey in uu kamid yahay odayaasha dhaqanka ee damiinka ka noqdey qaar kamid ah dhalinyaradda tababarka sida qarsoodiga ah loogu qaadey waddanka Eritrea.

Xaad ayaa caddeeyay in askartaas oo haatan aan nolol iyo geer toona meel lagu sheegin uu ku daray afartan dhalinyarro ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in nidaamka lagu xulayey in uu ku saleysanaa qaabka qabiilka ee ciidanka lagu xulo.

Sida laga soo xigtey Xaad oo tibaaxay in la marin-habaabiyey, shuruudaha loosoo gudbiyey waxaa kamid ah; in ay dhameeyeen dugsi sare iyo in aysan lahayn wax balwad ah.

"Laakiin annaga waxaan ilmaha ku gaynay laba arrimood oo kala ah; in ay yihiin askarta loo tababarayo nabad-sugida Galmudug iyo in loo qaadayo Turkiga," ayuu u sheegay barnaamijka Bandhiga ee laanta Af Soomaaliga Idaacadda VOA-da.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, nabadoon Xaad ayaa carabka ku dhuftay in 44-ka dhalinyarro uu geeyay xarun ay hay’adda nabad-sugida ku leedahay degmada Shangaani ee Muqdisho "halkaas aan jeclahay in wali shaqo ka socoto".

Maxsuulka baaritaan uu sameeyay Garowe Online ayaa muujinaya in mashruucaan laga maamulayey Villa Soomaaliya iyo xarunta hay’adda sirdoonka isla markaana xogtiisa si weyn looga qariyey dhamaan hay’addaha kale ee dalka.

Natiijadda baaritaankaas ayaa sidoo kale waxay tibaaxeysaa in askarta loo qaadey Eritrea ay tiradoodu u dhaxeyso 5,000 illaa 7,000 isla markaana qaarkood ku nafwaayeen colaada gobolka waqoyga Ethiopia ku yaala ee Tigray oo loo daabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM