Xaaf oo ka hadlay weerar lagu qaadey huteel ku yaala Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle, ayaa ka falceliyey qaraxii lagu weeraray huteelka Global ee koonfurta magaaladda Gaalkacyo.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidda laga soo xigtay warbaahinta.

Huteelka la beegsaday waxaa shir ku lahaa saraakiil ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Lugta, Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Dirir.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf, madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray eheladda dadkooda ay waxyeeladu kasoo gaartey falkaas argagixiso.

Taliye Dirir iyo saraakiil kale ayaa lagu waramayaa in ay ka badbaadeen dhacdadaan oo laamaha ammaanka ay ku eedeeyeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Hoos ka akhriso qoraalka

INAALILLAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay musiibada caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo ay kooxaha Argagixisada ahi Qarax kula eegtii Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo.

"Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan".


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM