Xaaf oo ku Magacaabay Gole Wasiiro cusub [Akhriso Liiska]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa ku dhawaaqay liiska golle wasiirro cusub, oo mudooyinkii dambe la hadal hayay magacaabistooda.

Digreeto kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabey wasiiradda cusub, oo ka kooban 25, kuwaasoo ay kasoo dhex-muuqdeen wajiyo cusub, oo dhanka Ahlu Sunna ka yimid.

Waxa uu Xaaf soo celiyay xubno kamid ahaa xukuumadii hore, sida Wasiirka maaliyadda Saciid Sayaad Shirwac oo kasoo jeeda beesha degta Cadaado, kaasoo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Madaxweynaha.

Ku dhawaaqida Xaaf ee Gollaha Wasiiradda ayaa kusooo beegmaysa xili Galmudug labo garab u kala qeybsan tahay, oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Afhayeenka baarlamaanka ay ku shaqeynayaan Cadaado, iyago iyo xildhibaano badan.

HOOS KA AKHRI DIGREETADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM