Xaaladda Soomaaliya oo maraysaa meel xasaasi ah xilli mudo-xileedka Xasan Sheekh ka haray 8 bilood

Image

Muqdisho – Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad hubanti la’aan siyaasadeed kadib markii madaxda sare ee dalka ee waqtiga kasii dhamaanayo ay ku guuldareysteen in ay isku afgartaan iyaga iyo mucaaradka habraaca iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona, taasoo sii fogeynaysa rajooyinkii laga qabay doorasho xor ah oo heshiis lagu yahay.

Kulamo dhowr ah oo u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka iyo Mucaaradka oo ka dhacay Villa Somalia bishii hore, ayaa ku dhammaaday is-mariwaa, iyadoo muranka ugu weyn uu ka taagan yahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah, mise in la sii wado habka ergada oo hore loo isticmaalay.

Khilaafka siyaasadeed ee aan xal laga gaarin ayaa keenaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka, kala shaki siyaasadeed, iyo culeys hor leh oo ku soo kordha dalka, oo khatarta Al-Shabaab wajahaya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale muujisay walaac ku aaddan khilaafka jira, iyagoo ku baaqay in madaxda Soomaaliyeed ay si degdeg ah u gaaraan heshiis qaran oo ku saabsan doorashooyin la isku raacsan yahay, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inaysan dhab ka ahayn wahadalka Mucaaradka, islamarkaana uu billaabey inuu colaadoka huriyo Maamullada Jubaland iyo Puntland, si u gaaro danihiisa siyaadeed, oo ugu horeeyo mudo-korarsi sharci-darro ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM