Xafiiska Garowe Online ee Muqdisho oo dib loo howgeliyey

Image
GO oo la aas-aasey 2004-tii ayaa ka kooban Idaacad, website - wararka ku baahiya Af Soomaali iyo English - iyo warbaahinta casriga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho ayaa martigalisay xafladda dib-u-furidda xafiiska Garowe Online ee caasimadda Soomaaliya iyada oo munaasabada furitaanka ay ka qayb galeen Marti sharaf ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed, siyaasiyiin caan ah iyo madaxda ugu sareysa Garowe Media Group.

Mas'uuliyiin ka qayb gashay munaasabad oo ka dhacdey Hotel Decale ee Muqdisho ayaa amaanay doorka Garowe Online dib u dhiska dalka, qayb qaadashaha horumarinta hanaanka dimoqoraadiyada curdunka ah ee dalka iyo qaybashada doodaha wax ku ool taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo amaanka dalka.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, Aas-aasaha Garowe Media Group oo hadlay furitaan xaflada ayaa ka sheekeeyay marxaladii Garowe Online soo martay iyo muhiimada ay leedahay in dib loo furo xafiiskii Muqdisho.

Maxamed ayaa sheegay in ay diyaar u tahay warbaahintu ay ka soo waranta xaaladaha abaaraha dalka ka jira si bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka loogu soo bandhigo baahiyaha dhabta ah ee wadanka ka jira taas oo galaafatay nolosho caruur Soomaaliyeed.

Cabdalla Muumin xoghayaha guud ururka saxaafada ee SJS, ayaa cadeeyay in Garowe Online tahay madal u furan bulshada Soomaaliyeed si ay ugu faaqidaan xaaladaha dalka ka jira isaga oo ku booriyay qaybta ay ka qaadatay xoriyada hadalka.

Maxamed Dugoow oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalyeed ee aqoonyahanka ah ayaa cadeeyay in "Dib-u-furida xafiiska Garowe Online ee magaaladda Muqdisho ay direyso fariin wanaagsan oo dhanka xorriyada hadalka ah kadib shan sano oo caburin iyo af ka qabasho ah".

Burhaan Diini Mayow oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in "Saxaafadda tahay tiir muhiim u ah dowladnimadda iyo dimuqraadiyadda.

“Dalkeennu wuxuu ku jiraa mar-xalad xasaasi ah. Garowe Online waxaan rajeynayaa in ay si wax dhis ah ula fal-gasho".

Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle lataliyaha dhanka sharciga ee xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa sheegay in uu  boggaadinayo dib-u-furida xafiiska Garowe Online ee Muqdisho.

“Waxaan kula dardaarmayaa in ay kusii shaqeeyaan kaalintooda wax dhiseysa oo ah doorka looga baahan yahay saxaafada madaxa-banaan" ayuu ka sheegay munaasabada.

Xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka mid ah baarlamaanka 11aad ee dalka ayaa sheegtay in ay "soo dhaweynayso dib-u-furida xafiiska Garowe Online ee Muqdisho. “Waxaan ahay saxafi hore. Waxaan dareemayaa ahmiyadda xorriyada hadalka. Waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub in ay ilaaliso".

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala wasiir ku xigeenka warfaafinta xukumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegau “in uu si gaar ah ugu ammaanayo bahda Garowe Online hal-abuurnimada ay la yimaadeen ee isku xireysa warbaahintii hore iyo saxaafada casriga ah oo ah waxa warfidiyeenka Soomaaliyeed haatan looga baahan yahay".

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gargaarka bini’aadanimada ayaa "Warbaahinta kale ka codsaday in ay raacaan jidka Garowe Online qaadey oo ah in ay si mutadhawacnimo nagala shaqeynayaan arrimaha abaaraha iyo wacyigelinta dadweynaha".

Dib u furitaanka xafiiska Garowe Online ee Muqdisho ayaa muhiimad gaar ah u leh xoriyada hadalka iyada oo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud habeenkii la doortay uu balanqaaday in uu GO ku boogaadinayo doodaha quruxda badan.

Garowe Online oo caan ku ah daabacaadda wararka Soomaalida ee laga helayo ilo ku sugan gudaha Soomaaliya oo ku qoran Af Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa la asaasay 2004, waxa ayna hoostagtaa Garowe Media Group oo ka kooban Idaacad ku taala caasimada Puntland, website iyo warbaahinta cusub ee casriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM