Xaliima Yarey oo tegtay Dhuusamareeb xilli ka furmayo shir

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim [Xaliima Yarey], ayaa Khamiista maanta ah gaartey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Illaa iyo haatan, lama ogga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka Xaliima Yarey. Balse, waxaa magaalada ku balansan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada oo kawada hadlaya arrinta doorashooyinka.

Guddiga ay majaraha u hayso Xaliima Yarey oo wajahaya eedeymo ku saabsan in ay u jaran-jeeraan dhanka dowladda ayaa horey u xaqiijiyey in coddeynta soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod xiligeeda ku dhacda.

Maamuladda oo ku shiray Dhuusamareeb ayaa isku raacay in doorashooyinka soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod, taas bedelkeeda, waxay soo jeediyeen in heshiis wadar-ogol ah laga gaaro nooca lagu galayo.

Xisbiyadda mucaaradka iyo Aqalka Sarre ayaa taageeray dalabka maamuladda oo ay sheegeen in uu dhabaha u xaarayo in waddanka uu ka baxo jahwareerka dhanka doorashooyinka ee waqti xaadirkan uu dhexda kaga jiro.

Xaliima Yarey ayaa dhowaan ku hafatay su'aal laga waydiiyey xeerarka doorashooyinka ee xudunta u ah is-mari-waaga doorashadda, iyaddoo ka jawaabi weyday waydiin la xiriirtay in ay adeegsan doonan.

Xeerarkaas ayaa kala ah; Asteynta kuraasta, metelaada gobolka Banaadir ah, qoondada haweenka iyo kuraasta gobolada waqooyi. Dhamaan waxaa meelmariyey Golaha Shacabka, balse Sanete-ka wuxuu xusay in la bedelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM