Xaliima Yarey oo tegtay Dhuusamareeb xilli ka furmayo shir

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim [Xaliima Yarey], ayaa Khamiista maanta ah gaartey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Illaa iyo haatan, lama ogga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka Xaliima Yarey. Balse, waxaa magaalada ku balansan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada oo kawada hadlaya arrinta doorashooyinka.

Guddiga ay majaraha u hayso Xaliima Yarey oo wajahaya eedeymo ku saabsan in ay u jaran-jeeraan dhanka dowladda ayaa horey u xaqiijiyey in coddeynta soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod xiligeeda ku dhacda.

Maamuladda oo ku shiray Dhuusamareeb ayaa isku raacay in doorashooyinka soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod, taas bedelkeeda, waxay soo jeediyeen in heshiis wadar-ogol ah laga gaaro nooca lagu galayo.

Xisbiyadda mucaaradka iyo Aqalka Sarre ayaa taageeray dalabka maamuladda oo ay sheegeen in uu dhabaha u xaarayo in waddanka uu ka baxo jahwareerka dhanka doorashooyinka ee waqti xaadirkan uu dhexda kaga jiro.

Xaliima Yarey ayaa dhowaan ku hafatay su'aal laga waydiiyey xeerarka doorashooyinka ee xudunta u ah is-mari-waaga doorashadda, iyaddoo ka jawaabi weyday waydiin la xiriirtay in ay adeegsan doonan.

Xeerarkaas ayaa kala ah; Asteynta kuraasta, metelaada gobolka Banaadir ah, qoondada haweenka iyo kuraasta gobolada waqooyi. Dhamaan waxaa meelmariyey Golaha Shacabka, balse Sanete-ka wuxuu xusay in la bedelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM