Xaliima Yarey oo ku hafatay su'aal laga waydiiyey xeerarka la isku khilaafey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ee Soomaaliya, Xaliima Ismaaciil Ibraahim [Xaliima Yarey], ayaa ku hafatay su'aal laga waydiiyey xeerarka doorasho ee la isku khilaafay.

Xeerarkaas ayaa kala ah; metelaada gobolka Banaadir, qoondada haweenka, asteynta kuraasta iyo wakiilada gobolada waqooyi [Somalilad].

Maamuladda iyo xisbiyadda dalka iyo Aqalka Sarre oo naqdiyey xeerarkan ayaa ku sifeeyay "kuwa u adeegaya qorshaha Villa Soomaaliya ee raadinta muddo kororsi" iyagoo uga digay guddiga doorashada in uu ku shaqeeyo.

Xaliima Yarey oo wareysi siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa shan jawaabo oo kala duwan waxay ka bixisay su'aal la xiriirtay xeerarkan gaar ahaan in ay adeegsanayaan maadaama kaliya Aqalka Hoose ansixiyey.

"Wax walba oo sharciga uu na tusinayo waa raaceynaa maxaa yeelay sharci ayaan ku shaqeynaa, ma nihin boorar meel iska fadhiya, waxaan nahay institution [hay'ad dowladeed]; institution-ka dambiga uu galo hadhow waa lagu xisaabayaa, waa in aan raacnaa shuruucda dalka u degsan waxa ay na fareyso, iyagaana raaceynaa," ayay ku tiri jawaabteeda koowaad.

Maadaama aysan si toos ah u abaarin su'aasha, wariyaha ayaa mar kale xusuusiyey su'aasha ahayd; xeer aysan ansixin labada aqal oo kaliya Golaha Shacabka meelmariyey ma isticmaaleysaa mise?

"Jawaabteyda waxaa waaye; annaga sharci ayaan ku taagan nahay, wixii sharci ah waan qabaneynaa, wixii aan sharci ahayn ma qabaneyno," ayay ku tiri jawaabteeda labaad Xaliima Ismaaciil Ibraahim.

Xaliima Yarey ayaa u muuqatay in ay afkeeda ka dhowreyso labada aqal ee baarlamaanka oo nidaamka xeer-dejinta dalka oo dhigaya in ay labadooda meelmariyaan kadibna mdaxweynuhu saxiixo.

Kadib markii kol saddexaad loogu celiyey isla su'aashaan iyaddoo loo sharaxay nidaamka xeer-dejinta dalka, Xaliima Yarey ayaa bixisay jawaab ka duwan labadii ay horey u dhiibtay xilli ay carro ka muuqatay.

"Walaahi su'aalahaas in aniga la ii waydiiyo in ay ku haboon tahay uma maleynaayo," ayay tiri. Saxafiga ayaa ku adkeystay in ay ku haboon tahay. Balse Gudoomiye Xaliima Yarey ayaa tiri "Hadey kuula haboon tahay, aniga ma iila haboona, laakiin waaba kaaga jawaabayaa".

Iyadoo wali ka meermeereysa in ay toos u abaarto su'aasha ayay tiri: "Aniga jid ayaa la ii diray, hadii la iiga weeciyana ma yeelaayi waa kusoo weecanaa, dariiqeena ayaa kusoo dhacayaa. Wax aan sharci ahayn kuma shaqeynaayi aniga. Haddey sharci darro tahay in lagu shaqeeyo kuma shaqeynayno, haddey sharci tahay in lagu shaqeeyana waa ku shaqeynaynaa".

Kol afaaraad ayaa loogu celiyey isla su'aashan, waxaana Xaliima ay ka bixisay jawaab ka duwan dhamaan intii ay horey u soo bixisay.

"Afartaas qodob in aan ka hadalno oo aan fulino waxaa ka horeysa baarlamaanka model-kii aan geynay ee caddeynaayey labada nooc doorasho in ay keenaan. Su'aasha ah sharci ma yihiin, aniga baarlamaan maahi; baarlamaanka soo warso [waydii]," ayay Xaliima Yarey jawaabteeda u dhigtay.

Markii shanaad oo loogu celiyey ayay tiri: "Maba ka shaqeynayno, noocii [doorashada] ayaanba haynin, arrintaasi waxaan u arkaa markaan [qareenadeena] ma fadhiisino, lataliyeyaal iyo qareeno ayaan qabnaa, ayagaa talo naga siinayo, laakiin hadda waxaaba sugeynaa oo nala yiraahdo 'socda' oo noocii diiwaan-doorasho aan ku shaqeyn lahayn in aan helno".

Xeerarkan ayaa xudun u ah is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka loo qorsheeyay in ay dhacaan 2020-21 taas oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse ay maamulada isku raaceen in aysan qabsoomi karin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM