Xamsa oo caddeeyay mowqifkiisa qadiyadda gobolka Gedo

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka uu u wajihi dojono xiisada gobolkan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da Xamza ayaa wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayen.

Iyada oo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.

"Arrinta waan go'nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa," ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in loo baahan yahay in la wada yeesho wixii adeeg ah ee la jira dowladda federaalka.

"Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas si walaaltinnimo ah loo wadaago iyo in dowladda federaalka ay mar walba fududeyso waxa u baahna fududeynta, ayuu yiri ra'iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marka hore loo baahan yahay in la dhiso kalsooni kahor inta aan laga fekerin dhanka farsamada ee wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa laga joogaa 31 sano markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya.

Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ka hadlay waxa u qorsheysan haddii isaga iyo madaxweynaha uu khilaaf soo kala dhex galo sidii horeba ugu dhici jirtay madaxdii dalka.

Xamsa oo ay hore u soo wada shaqeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin in khilaaf weyn uu soo kala dhexgalo isaga iyo madaxweynaha.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka dowladdiisa iyo maamul-goboleedyada, oo dowladdii hore ay qaarkood xurguf kala dhexeysay. Wuxuu sheegay in mabda'a 'Soomaali heshiis ah' uu u saamaxayo inay heshiis la ahaadaan maamullada dalka.

"Waan ka shaqeyneynaa inuusan wax khilaaf ah dhicin. Waxa muhiimka ah ayaa ah in la wada hadlo. Cid walba waxeeda iyadaa leh, wixii la wada leeyahayna waxaa lagu gaarayaa wada tashi iyo midnimo,".

Gobolka Gedo oo muran badan uu ka taagnaa doorashadii madaxtinnimada, ayaa wuxuu sheegay inay diiradda saari doonaan sidii burcad la isu marin lahaa bogagga Soomaalida isla markaana loo xallin lahaa khilaafaadka jira

"Annagu bashar baa nahay, waan is khilaafi karnaa, aragtiyo kala duwan, waxyaabaha qaarkood waan ka muuqan karaa laakiin waxaan rajeynayaa inaysan marna gaarin in arrintaasi ay khilaaf wyen isu beddesho ama ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,"

"Waxaan hubaa haddiiba ay dhacdo in aniga iyo madaxweynuhu aan heleyno farsamo aan wax ku xallisan karno iyadoo aan meelba lala aadin," ayuu intaasi ku daray.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu balan qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM