Xamse Barre oo sheegay in Turkiga uu faqriga ka saarayo Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa uu u ammanay dowladda Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.”

Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkiga, kuwaas oo ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi o uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM