Xamse: Hadafka waa in Al-Shabaab laga xoreeyo dalka dhan

Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shirka golaha wasiiradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Golaha Wasiiradda XFS ayaa looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Sida ku cad bayaanka, kulanka ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada lagu cirib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee nabad-diidka looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay argagixisada.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cirib tirka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda si fiican ugu baraarugay dhagarta argagixisada ee duullaanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladdnimada, isla markaana banaystay maalka iyo nafta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in bulshaddu hormuud ka noqoto howl-galka dib u xorraynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM