Xamse oo Baydhabo u tagay dajinta xiisada Laftagareen iyo Villa Soomaaliya

Image
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa maanta safar shaqo  ku tagay magaalada caasimada KMG ah ee Baydhabo.

Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. 

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.

Wafdiga Xamse waxaa kamid ah Taliyaha Sirdoonka Cabdullaahi Sanbaloolshe kaasoo ka socda dhanka Xasan Sheekh. Ujeedka socdaalkan wuxuu yahay sidii loo qaboojin lahaa wadashaqeynta Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM