Xamse oo daahfuray xarun lagu dhisay hanti dadwayne

Image
Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Madiina.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go'an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka.

Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2, ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah.

Xamsa ayaa u mahadceliyey Guddiga gurmad Qaran sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen isagoo tilmaamay in xaruntan qeyb wayn ka qaadan doonto daawaynta iyo daryeelka ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM