Xamse oo dalbaday dardargelinta shaqada guddi la isku hayo

Image
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa magacaabidooda la isku khilaafsan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM